DEG DEG: Qaraxyo Ka Dhacay Muqdisho Iyo Rasaas La Maqlayo

0
17

Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay qeyb ka tirsan Magalada Muqdisho ayaa waxa uu ka dhacay Isgoyska sos ee Magalada muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in ay maqleen jugta ilaa Saddex qarax,sidoo kalena ay ay xigtay rasaas mudo daqiiqado ah socotay,isla markaana aysan cadeyn Karin cida lala eegtay qaraxaas.

Qarax koowaad ayaa qabsaday mid kamid ah gawaarida dagaalka Ciidamada AMISOM, Waxaana qaraxa ka dib Ciidamada AMISOM ay fureen rasaas badan .

Daqiiqado ka dib ayaa sidoo kale waxaa dhacay Qarax kale, Waxaana la sheegay in uu qabsaday gaari ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo taagnaa meel aan ka fogeyn halkii uu ka dhacay Qaraxii hore.

Waxaa jira Khasaare dhaawac ah oo soo gaaray dad Shacab ah oo goobta Maraayay, islamarkaana ay gaareen xabadihii ay fureen Ciidamada AMISOM.

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in ay wali ku sugan yihiin halkii ay qaraxyo ka dhaceen, islamarkaana waxaa halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan dowladda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here