Qaxooti Soomaaliyeed oo laga celiyay Yemen oo soo gaaray Berbera

0
17

Hay’addaha Qaramada Midoobey ayaa xaqiijiyay in 116 qof oo Soomaali ah ay soo gaareen dekedda Berbera Somaliland, kuwaasoo laga soo celiyay Yemen.

Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ay ku guuleysatay in dadkaasi laga caawiyo in ay dalkooda dib ugu laabtaan , maadaama wali dhibaatooyin badan ay ka jiraan dalka Yemen.

UNHCR Waxa ay sheegtay in Sanadkii 2017-ka ay soo celisay n dad ka badan 2,000 halka sanadkaan ay soo celiyeen 1,321 qof oo Soomaali oo ay ku jiraan 166 qof oo soo gaaray magaalada Berbera.

Waxa ay sheegtay in dadka soo gaaray Berbera laga caawin doona in ay si nabad ku tagaan degaanada ay kasoo jeeddaan.

Waxaa ku jira, Haween, Carruur, Arday wax ka baran jirtay Yemen iyo dad waayeel ah sidda ay sheegtay Hay’adda.

UNHCR ayaa sheegtay in labadii bilood ee lasoo dhaafay ay hakisay soo daabulidda Qaxootiga Soomaaliyeed ee laga soo qaadi jiray dalka Yemen Sababo la xariira in cilimadda Badda ay xumaayeen , Maadaama dadkaasi la soo saaro doomo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here