faafaahin: Iska horimaad ka dhacay magaalada Gaalkacyo

0
39

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaar ahaan qeybta Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi uu ka dhacay Iska horimaad u dhaxeeyay Ciidamada Ilaaladda Garoonka Cabdullaahi Yuusuf iyo Koox hubeysan.

Dhalinyaro hubeysan ayaa la sheegay in ay dhisme ku bilaabeen darbiga ku yaalla Garoonka Cabdullaahi ee Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada Iilaaladda Garoonka oo kasoo horjeeday in halkaasi la dhiso ayaa rasaas ku furay dhalinyaradii ku howlaneyd dhismaha dhulka.

Inta la xaqiijiyay Askari oo ka tirsan Ilaaladda Garoonka ayaa dhintay, waxaana sidoo kale dhaawacmay ku dhawaad 5 ruux.

Ciidamada Ammaanka ayaa hadda ku sugan goobtii uu falku ka dhacay, waxaana ay waddaan xalinta dhibka dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here