Jabhadda Boko Haram oo 18 Qof ku dishay Dalka Jaad

0
18

РUrurka mintidka ah ee Boko Xaaraam  ayaa 18 Qof ku dilay 10 kalena ku Afduubtay degaanno ka tirsan Gobolka Harada Jaad.

Guddoomiyaha Gobolka Harada Jaad, Mohammed Aba Salah ayaa u sheegay Al Jazeera Axaddii Shalay ahayd in dagaalyahannadu sidoo kale ay afduubteen 10 haween ah.

Dad ku dhaqnaa ku dhowaad 3,000 oo Tuulo ayaa lagu khasbay in ay Guryahooda ka baxaan Gobolka Harada Jaad, markii ay weerareen  Boko Xaraam degaanno ku dhow Harada Niger, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 18 Qof oo Rayid ah.

Boko Xaaraam oo Gacan saar la leh Al-Qaacidda ayaa dhaq-dhaqaaqyo Hubeysan ka fulisa Harooyinka u dhexeeya Waddamada, Nayjeeriya oo fariisin u ah, Nayjer iyo Jaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here