Xildhibaan Aadan Barre Ducaalle oo u digay dhalinyaradda Soomaaliyeed

0
12

Aadan Barre Ducaale oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka dalka Kenya oo la hadlayay dadweyne badan oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa dhalinyarada uga digay inay adeegsadaan Shiishada.

Kenya ayaa horey u mamnuucday adeegsiga Shiishada, waxaana dadka iibiya la sheegay inay wajihi doonaan ciqaab adag.

Aadan Barre ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Nairobi looga baahan yahay inay ka fogaadaan adeegsiga Shiishada, maadaama ay dhibaato nafeed iyo mid dhaqaalo ku tahay.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in looga baahan yahay dumarka dhankooda inay ku adkaadaan xerashada xijaabka oo aysan ka tagin dhaqanka wanaagsan ee Soomaalida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here