DEG DEG:-Jubbaland Oo Garoonka Kismaayo Ka Celisay Taliye Dowladda U Magacaawday Guutada 43aad

0
37

Wararka naga soo gaaraya Magalada Kismaayo ee  Xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Maamulka Jubbaland uu Garoonka diyaaradaha Magaaladaas ka celiyey taliye loo Magacaabay guutada 43aad ee ka howlgasha deegaanada Jubbaland.

Taliyaha Garoonka laga celiyey oo lagu Magacaabo Cali Bogmadow ayaa dhawaan dowladda Soomaaliya ay u magacaawday Guutada 43aad,waxa uuna bedeli lahaa taliyihii xilkaasi laga qaaday ee Janaraal ismaaciil Saxardiid.
Weli Maamulka Jubbaland wax faah faahin ah kama bixin sababta Garoonka Kismaayo looga celiyey taliyaha,balse waxaa dhawaan jirtay in Maamulka Jubbaland uu sheegay in dhibaato ay ku hayaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya eek u sugan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here