Dhageyso:-Dahabo Xasan Axmed oo sheegtay in aytahay musharaxa u taagan qabashada gudoomiyaha ururka haweenka qaranka soomaaliyeed.

0
22

Dahabo Xasan Axmed oo ka mid aheyd Musharaxiintii u tartameysay Kursigii ka Banaanaa Baarlamaanka Golaha Shacabka ee Doorashiisa ay ka dhacday Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobalka Shabeellaha Dhexe,ayaa Xili ay Wareysi gaar ah ay siisay Idaacadda cadaado xafiiskeeda magaalada baladweyne ,waxa ay ku sheegtay in ay tahay musharax u tagan qabashada xil gudoomiyaha ururk hawenka soomaaliyeed si bay tiri wax badan lagu qabto haweenka soomaaliyeed.

 

sidoo kale dhanka kale Haweenka soomaaliyeed waxay ugu Ugu baaaqday inay is dhigan islamarkaana ay ka qeyb qaataan horomarinta soomaaliya iyadoona tilmaantay inay diyaar utahay garab istaaga Haweenka Soomaaliyeed si qeyb ay uga helaan horomarinta deegaanada ay joogaan . .

Dahabo Xasan Axmed ayaa uGu dambeyntii sheegtay in Xili kasta haweenka soomaaliyeed looga baahanyahay inay dhabar adeeg sameeyaan oo aysan marnaba niyad Jabin dhibaata kasta oo ay la kulmaan.

W/D: Bashiir cabdulahi cismaan

Baladweyne.soomaaliya

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here