Wariye ka tirsan Idaacada VOA oo lagu xiray magaalada Gaalkacyo

0
26

Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee magaalada Gaalkacyo ayaa maanta xiray Wariye C/waaxid Macalin Isxaaq oo ahaa wakiil wareedka Idaacada VOA.

Saraakiisha Ciidamada NISA ayaa u sheegay  warbahinta in Wariye C/waaxid Macalin Isxaaq loo haysto war uu ku qoray Webside kaas uu kaga hadlay Dagaalka u dhaxeeya dadka deegaanka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab oo ka dhacay deegaano hoos yimaada gobolka Mudug.

Ma jiraan warar intaas dhaafsiisan oo laga helayo xariga Wariye C/waaxid Macalin Isxaaq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here