Xiddiga Ree Brazil Ee Fernandinho Iyo Qoyskiisa Oo Farriimo Hanjabaad & Cunsuriyad Ah Loo Gaystay Kadib Goolkii Uu Iska Dhaliyay Kulankii Belgium

0
123

Xiddiga khadka dhexe ee xulka Brazil ee Fernandinho iyo xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa eedaymo kala kulmay shaqsiyaad kaddib goolkii uu xiddigu sida qaldan isaga dhaliyay kulankii Belgium ee xulkiisa Selecao ay isaga hadheen tartanka koobka aduunka ee inta badan loo saadaalinayay.

Fernandinho ayaa markii uu si qaldan isaga dhaliyay goolkii furitaanka ee kulankaas eedaymo degdeg ah kala kulmay inbadan oo dadka baraha bulshada isticmaala kamid ah, Qaar kamid ah eedeeyayasha ayaa xiddiga usoo qoray farriimo ay ku sheegayaan inuu yahay “Daanyeer” halka kuwo kale ay ugu hanjabeen inay dunida ka diri doonaan oo ay dili

Dhinaca kale xaaska xiddigan ee lagu magacaabo Rosa Glaucia ayaa iyada qudheedu cay iyo aflagaado badan kala kulantay goolkaas uu uu sida qaldan isaga dhaliyay saygeedu waxaana farriimaha loo reebay kamid ahaa “Saygaagu waxa uu burburiyay waxkasta”

Sidoo kale hooyada dhashay khadka dhexe ee Manchester City ayaa lagu qasbay inay iska xidho barteeda Instagram kaddib markii ay u dulqaadan wayday falanqaynta lagu eedaynayo wiilkeeda ee buux dhaafisay bogeedaas iyada oo ugu dambayn go’aan ku gaadhay inay gabi ahaanba iska xanibto bartaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here