Afhayeenka Wasaaradda Amniga oo eedeeyay dowladda Soomaaliya

0
14

Afhayeenka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in aysan suurgal aheyn in uu Qarax ka dhaco Magaalada Muqdisho xilli inta badan la xiray Wadooyinka Muqdisho.

Cabdcasiis Xildhibaan ayaa sheegay in ay jiraan saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ,kuwaasoo aan ka shaqeynin danaha umadda Soomaaliyeed.

Afhayeenka ayaa sheegay in aysan dhici karin in dowladda Soomaaliya ay dadka Shacabka ah u sheegto warar aan macquul aheyn oo ah in qaraxii shalay la baari doono Ama lala xisaabtami doono cidii ka dambeysay.

Cabdicasiis Xildhibaan waxaa uu sheegay in aysan jirin isla xisaabtan ku aadan Mas’uuliyadda Madaxda Qaranka ee qaabilsan Ammaanka.

Afhayeenka ayaa muuqda in uu dhaliilay dowladda uu ka tirsan yahay, waxaana uu sheegay in uu dhibsaday wax aan jirin in uu dadka u sheego maalinwalba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here