Duqa Muqdisho Oo Amray Dadka Isla Leh Xoolaha Wadooyinka Dhexjooga In Ay Todobaadyo Uga Saaraan(Wareegto)

0
32

Wareegto ka soo baxday Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa waxaa digniin laga soo saaray dadka xoolaha Magaalada dhexdeeda ku soo daaya,taas oo la sheegay in ay dhibaato ku heyso billicda Magalada.

Wareegtada ayaa waxaa la ogeeysiiyey Hay’adaha amniga iyo guddoomiyeyaasha 17 degmo ee Gobolkan Banaadir,waxana digniin loogu diray dadka iskaleh Xoolaha Magalada mararka qaar lagu arko ,iyada oo lagu wargeliyey in la mamnuucay in Xoolaha lagu soo daayo Magalada.

Sidoo kale waxaa dadka xoolaha leh lagu amray in mudo laba todobaad ah ay fursad u heystaan in ay Xoolaha WAdooyinka  kaga saaraan,hadii sidoo kale Saddex jeer laga soo dacwoodo xoolahaas lala wareegi doono.

Hoos Ka Akhriso Wareegatada ka soo baxday Duqa Muqdisho oo dhameystiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here