Dageyso:-Dowladda Federaalka Oo Kahor Tageysa Hubka U Soo Dega Al-Shabaab

0
23

Kadib kulan ay muqdisho ku yeesheen Wasiirada amniga Dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laga soo saarey qodobo ay ka mid ahaayeen in laga hortago hubka Shabaab iyo Daacish ay kala soo degaan xeebaha Somaliya, gaar ahaan deeganada ay gacanta ku hayaan.

Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda amniga Somaliya Cabdi Naasir Siciid, ayaa wuxuu sheegay in qorshahaasi uu yahay mid meel wanaagsan marayo, islamarkaana dowladda ay ka hortageyso hubka Shabaab ay kala soo dagaan xeebaha dalka.

 “waxaan rabnaa inaan ka hortagno hubka sharcadarada ah ee kooxaha Shabaab iyo Daacish ay kala soo degaan xaabaha deegaanada ay maamulaan,kuna dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.markii aan aragnay arrimahaas oo dhan ayaan isku raacnay in aan dib u dhis ku sameyno ciidamada illaalada Xeebaha Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan ka hor taga hubka ay Shabaab iyo daacish soo degsadaan ayuu yiri Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda amniga Somaliya.

Xeebaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan ku sugan Maraakiib Shisheeye kuwaas oo sheegaya in ay kahor tagayaan kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida oo bilihii u dambeysay sii yaraaday,waxaana Maraakiibtaas dhowr mar cabasho ka keenay kalluumeysatada soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here