Daawo”Sawirada:-Kormeer Lagu Amni Oo Laga Sameeyay Deegaano Ka Tirsan Gobalka Shabeellaha Hoose…..

0
46

Taliyaha guud ee Ciidamada amaanka ee maamulka deegaanka Gobolka Shabeelada hoose Col Maxamed Sheekh Xasan ayaa maanta kormeer ku tagey wadada gasha magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelada hoose.

Col Maxamed Sheekh ayaa u kuur galaayey sida ay u socota shaqada Ciidamada amaanka ay ka wadaan wadada isku xirta Ceeljaale iyo Marka ilaa deegaanka Shalambood oo roondo iyo baaritaan ay ka wadaan Ciidamada.

Taliyaha ayaa marka hore indha indheerey shaqada, kadibna waxa uu dhiiro gelin iyo talooyin siiyey ciidamada amaanka oo uu ugu baaqay in sii laba jibaaraan shaqadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here