Gudoomiyihii Degmada Baardheere oo xilka laga qaaday…..

0
14

Wareegto ka soo baxday Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Jubbaland ayaa xilka waxaa looga qaaday Gudoomiyihii Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Waxaa wareegtadan lagu sheegay in xilka laga qaaday Gudoomiye C/laahi Nuur Xasan Cadow, kadib markii uu sameeyay ammar diiddo, cabashana ay ka timid shacabka degmada Baardheere.

Sidoo kale, wareegtadan waxaa xilka gudoomiyaha degmada Baardheere loogu magacaabay Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax (Koofi).

C/laahi ayaa sababaha xilka looga qaaday waxaa ka mid ah hadal uu munaasabadda 1-da Luulyo ka jeediyey, kaasi oo uu ku weeraray madaxda ugu sarreysa ee maamulka Jubbaland.

Dhinaca kale, Caddow ayaa kasoo horjeestay xil ka qaadista lagu sameeyey, isaga oo sheegay in aan loo marin wadadii sharciga ahayd, islamarkaana uu yahay guddoomiyaha saxda ah ee degmada Baardheere.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here