Shaxda Rasmiga Ah Ee England v Belgium- Ayay Garth Southgate Iyo Roberto Martinez Kulankan Ku Soo Bilaabeen?

0
288

Xulalka qaramada Belgium iyo England ayaa ciyaaraya kulanka saddexaad ee Group G waxayna u tartamayaan kaalinta labaad, haa waxay u tartamayaan kaalinta labaad si ka duwan qaabkii looga soo bartay in kaalinta kowaad ee groupka loo tartamo. Xulka qaranka England ayaa hadda kaalinta labaad kaga jira Group G waxayna doonayaan in ay kaalintan ku sii jiraan xataa haddii ay guuldaro la kulmayaan.

Sababta ugu wayn ee Belgium iyo England kaalinta labaad ee Group G ku doonayaan ayaa ah in dariiqa ay u mari karaan finalka koobka aduunku uu aad u adag yahay haddii ay kaalinta kowaad ku soo baxaan halka haddii ay kaalinta labaad ku soo baxaan ay Spain iyo Croatia yihiin labada wadan ee kaliya ee ay ka walwali karaan.

Tababaraha xulka qaranka England ayaan kulankan shaxdiisa ku soo bilaabin xidigaha muhiimka ah ee  Trippier, Walker, Maguire, Young, Henderson, Lingard, Sterling iyo Kane.

Laakiin tababaraha Belgium ayaa isna kaga jawaabay in uu shaxdiisa ka saaray Courtois, Verthongen, Boyata, Alderweireld, Meunier, Witsel, De Bruyne, Carrasco, Mertens, E. Hazard iyo Lukaku halka  Kompany aanu wax halis ah galin.

Waxaa shaxaha Roberto Martinez iyo Garth Southgate ka muuqata sida ayna u doonayn in ay guulaystaan kulankan waxaana la sugayaa natiijada ay labada xul kula bixi doonaan iyada oo xataa Harry Kane oo kabta dahabka ah ku tartamayay kaydka la dhigay.

Shaxda Rasmiga Ah Ee England v Belgium:

BELGIUM: Courtois, Dendoncker, Boyata, Vermaelen, Fellaini, Dembele, Tielemans, Chadli, T Hazard, Januzaj, Batshuayi

ENGLAND: Pickford, Alexander-Arnold, Rose, Jones, Stones, Cahill, Dier, Delph, Loftus-Cheek, Rashford, Vardy

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here