Senegal Oo Qaabkii Ugu Xumaa Taariikh Aan Abid Koobka Aduunka Ka Dhicin Loo Diwaan Galiiyay,Imisa Qof Ayaase Daawaday Ciyaartii Japan iyo Poland?

0
55

Xulka qaranka Senegal ayaa noqday xulkii taariikhda koobka aduunka ugu horeeyay ee qaabkii ugu xumaa looga reebay tartankan kadib markii ay Japan iskaga mid noqdeen wax walba oo lagu kala saari karayay. Japan iyo Senegal ayaa iskaga mid noqday, dhibcaha, fariga goolasha, goolasha ay dhaliyeen, goolasha laga dhaliyay, kulamada ay guulaysteen, guuldaraysteen ama barbaro galeen.

Sidaa daraadeed, arin aan abid koobka aduunka uga soo dhicin isla markaana uu sharcigiisu ahaa mid aan la dhaqan galin ayaa lagu dabacay Senegal kaas oo ah in lays barbar dhigo kaadhkadhka digniinta ah ee ay ciyaartoyda labada xul qaran haysteen waxaana batay kaadhadhka digniinta ah ee Senegal haysteen taas oo taariikh xun oo aan hore loo arag koobka aduunka looga reebay Senega

l.

Jamaahiirta kubbada cagta aduunka gaar ahaan kuwa qaarada Afrika ayaa dareen qalbi jab ah ka muujiyay qaabka aan abid hore loo soo arag ee xulkkii calanka qaarada Afrika siday looga soo cidhibtiray koobka aduunka.

Dhinaca kale Xidhiidhka kubadda cagta FIFA ayaa shaaciyey tirada dadkii daawaday ciyaartii Japan ay ugu gudubtay wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka oo ay iskaga hor yimaaddeen Poland.

Poland ayaa 1-0 kaga adkaatay Japan hase yeeshee ciyaar wanaag ayaa ay ugu gudubtay wareegga xiga, halkaas oo ay ku mari doonto imtixaan kale oo adag.

Xulka qaranka Poland ayaa ciyaartaas ku helay guushiisii koowaad, waxaana gool u dhaliyey Jan Bednarek, hase yeeshee waxay ku dhamaysteen halka ugu hoosaysa oo ah saddex dhibcood oo kaliya inay ka urursadeen Group H.

Ciyaartan oo ka dhacday garoonka magaalada Volgograd laguna magacaabo Volgograd Arena ayaa waxa uu qaadaa 44,000 taageereyaal ah, waxaana sida FIFA ay ku shaacisay website-keeda waxa wakhti horeba iska soo xaadiriyey oo kuraasta fadhiistay daawadeyaal tiradoodu ahayd 42,189 qof, kuwaas oo ay u suurtogashay inay goob-joog u noqdaan ciyaarta ugu dambaysa ee Group H.

Tartanka Koobka Adduunka oo ka dhacaya 12 garoon oo ku kala yaalla 11 magaalo ayaa waxa inta uu socdo dhacaya 64 ciyaarood oo intooda badan haddaba la ciyaaray, waxaana kulamada hadhay la shaacin doonaa garoomada ay ka dhici doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here