Ka Hor Kulanka France Vs Argentina, Samuel Untiti Oo Dabka Ku Sii Shiday Xaalada Lionel Messi & Xulka Qarankiisa Argentina.

0
79

Difaaca dhexe ee xulka qaranka France iyo kooxda Barcelona ee Samuel Umtiti ayaa dabka ku sii shiday xaalada Lionel Messi iyo xulka qarankiisa Argentina ka hor kulanka uu saaxiibkiisa Camp Nou kaga hor iman doono kulanka France iyo Argentina ee wareega 16ka xul qaran ee koobka aduunka.

Samuel Umtiti iyo Raphael Varane ayaa loo xilsaari doonaa in ay joojiyaan Lionel Messi iyo asxaabtiisa Argentina oo qaab aad u dhib badan kaga soo gudbay heerkii groupyada koobka aduunka laakiin Umtiti ayaa sheegay in Lionel Messi aanu u ciyaari karin qaabka uu ugu ciyaaro Barcelona.

Samuel Umtiti ayaa ku dooday in hanaan ka ciyaareed ee Barcelona ee Lionel Messi caawiya iyo kan Argentina uu gabi ahaanba kala duwan yahay wuxuuna sidoo kale sheegay in ciyaartoyda xulka qaranka Argentina ayna la mid ahayn kuwa Barcelona inkasta oo uu tilmaamay in ay ciyaartoy fiican haystaan.

Samuel Umtiti oo saxaafada ka soo hormuuqday ka hor kulanka France iyo Argentina ayaa isaga oo xaalada Messi ee Argentina iyo Barcelona ka hadlaya yidhi: “Messi wuu ka duwan yahay, isagu Argentina iyo Barcelona si isku mid ah uguma wada ciyaari karo, isagu kuma haysto ciyaartoy isku mid ah inkasta oo ay Argentina haysato ciyaartoy aad u fiican”.

Laakiin Samuel Umtiti oo sii sharaxaya sababta aanu Messi si isku mid ah ugu ciyaari karin Argentina iyo kooxdooda Barcelona ayaa yidhi: “Gabi ahaanba marka uu Barcelona la joogo way ka duwan tahay, waa hanaan ciyaareed oo ka duwan. Waxaan filayaa in wali uu isagu badbaadiyay waqtiyo badan markii aad ugu dhawaayeen in ay guuldaraystaan, markaasta halkaas ayuu joogay, tani waa marka aad ka walwalayso Leo”.

Umtiti oo markale ka sii hadlaya sida dadka Argentina ay Messi ugu adag yihiin ayaa yidhi: “Ree Argentina isaga way ku adag yihiin, waan fahansanahay sababtu waa dhamaan tayooyinkiisa, laakiin isagu ma awoodo in uu wax walba kalidii u qabto”.

Intaa kadib Umtiti ayaa ka sheekeeyay markii ugu horaysay ee uu Messi la wadaagay Camp Nou qaabkii uu u arkay wuxuuna yidhi: ” Xaqiiqdii waxaan dareemay in isagu aanu kubbada cagta ugu noolayn sida kuwa kale sameeyaan ee qaabka uu arkayo, doorashooyinka uu sameeyo iyo goolasha uu dhaliyo. Kaliya waxa uu sii wadaa in uu goolba goolka ka danbeeya sii dhaliyo, isagu ma jecla in uu guuldaraysto”.

Umtiti oo ka sii hadlaya wixii uu Messi kala kulamay markii uu Barca kula biiray ayaa yidhi: ” Isagu waxa uu markasta doonayaa in uu kulamada ku guulaysto oo uu koobab ku guulaysto, anigu taas isaga kamaan filayn sababtoo ah haddaba wax walba wuu ku soo guulaystay laakiin waa hab maskaxeedkiisa. essi waa shaqsi fiican, waxaanu leenahay xidhiidh wanaagsan, waa bini aadam fiican wuxuuna u qoslaa sida qof kasta oo kale”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here