Itoobiya oo sii deysay Qalbi-dhagax Dowladda Itoobiya ayaa maanta sii deysay sarkaalka ONLF ka tirsan ee lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax). Dowladda Soomaaliya ayaa (Qalbi-Dhagax) 6-dii bishii September 2017-kii ku eedeysay in uu Argagixiso yahay, Al-shabaabna uu xiriir la lahaa, sidaasi darteedna ay ugu wareejiyeen Dowladda itoobiya.

0
69

Dowladda Itoobiya ayaa maanta sii deysay sarkaalka ONLF ka tirsan ee lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).

Dowladda Soomaaliya ayaa (Qalbi-Dhagax) 6-dii bishii September 2017-kii ku eedeysay in uu Argagixiso yahay, Al-shabaabna uu xiriir la lahaa, sidaasi darteedna ay ugu wareejiyeen Dowladda itoobiya.

Ciidamada maamulka Galmudug ayaa 23-kii bishii August 2017 waxa ay howlgal ku soo qabteen C/kariin (Qalbi Dhagax), kadibna Ciidamada nabad sugidda Soomaaliya ayaa waxa ay keeneen magaalada Muqdisho, iyada oo intaasi kadib lagu wareejiyay Itoobiya.

Intaas wixii ka dambeeyay waxaa jiray banaanbaxyo ay sameeyeen ehelada Qalbi-dhagax oo ku doodayay in wiilooda uusan Argagixiso aheyn, lagana been abuurtay.

Sii deynta C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ayaa waxaa ka dambeeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Aby Ahmed Ali, oo bilooyin kahor qabtay xilka Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi.

Mid ka mid ah ehelada sarkaalkan ayaa sheegay in C/kariin (Qalbi-dhagax) uu hada yahay nin xor ah, oo magaalada meesha uu doono ka mara, wax cabsi ahna aanan qabin.

Tan iyo markii uu talada dalka Itoobiya uu la wareegay Ra’iisul Wasaare Aby Ahmed Ali ayaa wuxuu la yimid siyaasad ku dhisan furfuran, wuxuuna sii daayay Kumanaan Maxaabiis ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here