Ciidamada Kumaandooska oo Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ku dilay Jubadda Hoose

0
27

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah ayaa duleedka deegaanka Araare ee Gobolka Jubadda Hoose ku dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Sida ay qortay wakaaladda wararka SONNA Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa lagu soo gaabiyay Aruuriyow, kaasoo la sheegay inuu ahaa nin deegaanka caan ka ahaa, kuna dhuumaaleysanayay deegaanka Araare oo u dhow Jamaame.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Sarkaalka la dilay uu Al-Shabaab u qaabilsanaa uruurinta lacagaha loogu yeero Zakawaadka.

Taliyaha Guutada 58aad Ururka 11aad ee ciidanka xoogga dalka G/dhexe Cabdi Yare ayaa sheegay in sarkaalkan lagu dilay howl gal qorsheysan.

Ciidamada xoogga dalka, kuwa Jubbaland iyo ciidamo Mareykan ah ayaa todobaadyadii u dambeeyay howl gallo ka dhan ah Al-Shabaab ka waday deegaano ka tirsan Jubada Hoose, waxaana bishii hore Sarkaal Mareykan ah lagu dilay weerar Al-Shabaab ku qaaday saldhig ciidamada huwanta ku lahaayeen deegaanka Baar Sanguuni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here