Xildhibaano & Wasiiro Ku Baaqay In Maxkamad La Soo Taago Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

0
101

Shir deg deg ah oo ay yeesheen xildhibaano iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Galmudug ayaa waxa ay kaga hadleen khilaafka Cusub ee Madaxda Galmudug.

Xildhibaanada iyo Wasiirada shiray ayaa waxa ay sheegeen in hadalkii kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyo guddoomiye Cali Gacal Casir uu yahay mid fowdo ah,isla markaana wax u dhimaya maamulka aan weli sal fadhiisan ee Galmudug.

Waxa ay sheegeen in labadooda aysan aheyn dad cusub,balse iyagu ay Galmudug waxka dhisaan xilligaana aan looga baahneyn in ay khilaaf Cusub abuuraan.

Ugu dambeyn waxa ay ku baaqeen in hadalkii kasoo yeeray guddoomiyaha iyo madaxweyne ku xigeenka ay ku mudan yihiin in loo maxkamadeeyo sida ay hadalka u dhigeen.

Hadalka kasoo baxay xildhibaanada iyo wasiirada galmudug ayaa dadka siyaasada indha indheeya waxa ay sheegeen in uu yahay mid sii xoojinaya khilaafka cusub ee madaxda Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here