Sarkaal iyo ganacsade lagu diley caawa magaalada Muqdisho

0
20

Waxaa si kala gaar gaar ah loogu diley caawa magaalada Muqdisho sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka iyo nin ganacsade ah oo sarifle ahaa.Sarkaalka la diley oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Caddow ayaa lagu diley waxyaalaha qarxa oo loogu xirey gaari uu lahaa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Qaraxa kadib goobta waxaa gaaray Ciidamada Miini baarista iyo Ciidamo kale oo hubeysan, kuwaasi oo halkaasi ka qaaday Meydadka Sarkaalka iyaga oo halkaasi ka sameeyay baaritaanada la xiriira Qaraxa.

Halka kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Waaberi ganacsade magaciisa lagu sheegay Ow Aadan oo sarifle ka ahaa isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho.
Dilka ganacsadan ayaa waxa uu ka dhacay meel u dhow Masjidka C/raxmaan Bin Coof ee degamda Waaberi xilli uu ku sii jeeday gurigiisa.

Dableyda geysatay falka dilka ah ayaa la sheegay inay ka baxsadeen halkaas iyadoo ciidamada dowlada ay gaareen goobta uu falka dilka ah ka dhacay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here