In Ka Badan Kun Maxaabiis Ethiopian Oo Ku Xiran Sacuudiga Oo La Sii Dayn Doono

0
65

Idaacadda FANA ee magaalladda Addis Abeba ayaa sheegtay inuu Ra’isul-wasaaraha Ethiopia, Abii  Axmed Cali uu ka codsaday Madaxda Sacuudiga in la sii daayo Maxaabiistaasi.

Ra’isul-wasaaraha Ethiopia oo dhawaan booqday Caasimadda dalka Sacuuiga ee Riyaadh waxa uu Boqor Salmaan Bin C/casiis u gudbiyey Codsigaasi, iyadoo la filayo in in ka badan Kun Maxaabiis Ethiopian ah laga sii daayo Xarumaha dadka lagu hayo ee dalka Sacuudiga

Afhayeenka Dowladda Ethiopia, Axmed Shide ayaa sheegay in maanta oo Sabti ah la bilaabi doono sii-daynta Maxaabiistaasi.

Dhinaca kale,  Tiradda Tahriibayaasha Ethiopianka ee ku nool Sacuudiga waxaa lagu qiyaasay 400,000 oo qof dabayaaqadii sannadkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here