Natiijooyinka doorashada dalka Ciraaq

Natiijooyinka hordhaca ah ee doorashadii Baarlamaaniga ahayd ee ka dhacday dalka Ciraaq Sabtidii ayaa tilmaamaya in labo xisbi siyaasadeed oo kale ay dhanka codadka kaga horreeyaan isbahaysiga uu hoggaamiyo Raisul Wasaare, Haider al-Abadi.

Codadka intooda badan ayaa la tiriyey ku dhawaad kala badh gobolada dalka, xisbiga siyaasadeed ee uu hoggamiyo wadaadka shiicada ah ee lagu magacaabo Moqtada al-Sadar ayaa u muuqda in uu kaalinta hore kujiro doorashada.

Mr Sadar ayaa soo baxay kadib markii la riday Saddaam Xuseen, asagoo ahaa hoggaamiye koox dhalin yaro ah oo kadhisan deegaan aad sabool u ah oo kamid ah magaalada Baqdaad.

Cid kasta oo ku guulaysata doorashadaan ayaa looga baahan yahay isudheelli tirka tartanka ay gobolka ugu jiraan Maraykanka iyo IIraan.

Xigasho Bbc Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*