Qaar Ka Mid Ah Madaxda Dowlad Goboleedyada Oo Gaaray Baydhabo

0
28

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Jubabda Hoose ahna Xarunta Dowlad goboleedka Jubbaland waxaa kusii qul qulaya madaxda Maamul goboleedayda halkaasi oo lagu wado in Maalinta berito ah uu uga furmo shirka ay halkaasi ku leeyihiin.

Maanta ayaa waxaa Baydhabo gaaray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe),waxana halkaasi kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Maamulka Martida loo yahay ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa gaaray Magalada Baydhabo,waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey masuuliyiin uu horkacayay guddoomiyaha Baar;amaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye.

Masuuliyiintaan ayaa waxa ay ka qeybgeli doonaan shirka madaxda dowlad goboleedyada o lagu wado in Isniinta berito ah ka furmo Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here