Qarax qasaare geystey oo ka dhacay degmada Wanla-Weyn

0
36

War Deg-deg ah; Wararka ka imanaya degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in goor dhow uu ka dhacay qasaare geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan oo ka dhacay bartamaha magaalada Wanlaweyn gaar ahaan halka loo yaqaan Aargada ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintey shan ruux halka dad ku dhow toban ruux ay ku dhaawacmeen.

Lama oga qaraxan waxa uu ka dhashay hase yeeshee sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah qaraxan ayaa dhacay xilli dad badan ay u sugnaayeen goobta uu ka dhacay.

Hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxan uu ahaa mid ka dhashay miino dhulka lagu aasay kaasoo lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay ciidamo saarnaayeen.Balse gaariga ayaa ka badbaaday qaraxa sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here