Monthly Archives: April 2018

Daawo:-Dowladda Soomaaliya Oo Maanta Si Rasmi ah ula Wareegtay Ciidamadii Imaaraadku Ay Gacanta Ku Hayeen

Dowladda Soomaaliya Ayaa Maanta Si Rasmi ah Ula Wareegtay Ciidammada ay tababareen  Imaaraadka Carabta iyo Gaadiidkii Dagaalka Ee ay gacanta ku hayeen” Ciidamadda Maanta ay la wareegtay Dowladda Soomaaliya Ayaa loogu magac daray guutada Daljir  Sidda Uu Sheegay Abaabduulaha Ciidamadda Xooga Dalka Cabdullahi Cali Caanood kaddib markii maanta Kuliyadda Tababarada ciidammada ee Jeneraal Goordan uu kormeeray Abaanduulaha ciidamada Xoogga dalka ...

Read More »

Deg Deg Guddiga Doorashadda Afhayeenka Baarlamaaka Soomaaliya Oo Hadda lagu dhawaaqay Halkaan Ka Akhriso Magacyadooda

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya Ayaa Maanta Waxa  Kulankoodii caadiga ahaa  ku yeesheen Xarunta Golaha  Shacabka ee Magalada Muqdisho,iyadoona lagu dhawaaqay Gudiga doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Xildhibaannada ayaa loo qeybiyey Magacayada Guddiga oo ka kooban 15 Xubnood oo ka tirsan golaha Shacabka,kuwaas oo ka shqeyn doona doorashada Guddonka Baarlmaaka Guddiga lagu dhawaaqay ayaa dhexdooda waxa ay iska soo dooran doonaan Guddoomiye iyo ...

Read More »

Dhagayso:-Maxay Soomaaliland Ka Tiri Hadalkii Imaaraadka Ee Ahaa In Dowladda Soomaaliya Ay Saxiixday Heshiiska Dekadda Barbara

Maamulka Soomaaliland Ayaa Si Kulul U Beenyay Hadalkii dhawaan ka soo baxay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibada Imaaraadka Carabta Anwar Qarqaash Kaas Oo noqday mid siyaabo usku dhow ay uga wada hadleen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland,kaas oo ahaa in heshiiskii dekada Berbera ay la galeen dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Shalay Wasiirka Arrimaha dibada Soomaaliya Axmed ciise Cawad ...

Read More »

Dowladda Soomaaliya Oo Si Kulul U Beenisay Hadal Dhawaan Ka Soo Yeeray Imaaraadka Carabta

Wasiirka arrimaha dibadda Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyay hadalkii kasoo baxay Wasiir dowlaha Arrimaha Dibadda dowladda Imaaraadka Carabta ee ahaa in ay heshiiska dekedda Berbera la gaareen Xukuumaddihii dalka soo Maray. Waxaa uu sheegay  in aysan jirin Heshiis dhexmaray Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo ku aadan Dhismaha Dekedda Berbera ee Somaliland. Axmed Ciise Cawad oo Wareysi siiyay BBC-da ayaa ...

Read More »

Akhriso:-Dowladda Soomaaliya Oo Taageero Ka Heshay Xuutiyiinta Iyo Imaaraadka Oo Loo Hanjabay

Madaxa Golaha Sare ee Kacaanka Maleeshiyadda Xuutiyiinta ka dagaalanta dalka Yeman, Maxamed Cali Al-xuuti ayaa hadalkaasi ku sheegay Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Tuwitter-ka ee @Moh_Alhouthi Maxamed Cali Al-xuuti waxa uu qoraalkiisa ku muujiyey Taageeradda uu u hayo Somalia, kadib, markii uu aad u xumaaday Xiriirka Diplomaasiyadeed ee Dolwadaha Somalia iyo Imaaraadka Carabta. Waxa uu ku eedeeyey Imaaraadka inay faragelin ...

Read More »

C/Qeybdiid”midnimo iyo wada jir dalkaan kama dhaceyso inta dad xaqooda la dafirayo”

Kulan lagu sagootinayay gudoomiyayaahsa baarlamaanada ee maamul gobalaeedyada dalka ka jira iyo gudiyada madaxa banaan iyo midka baarlamaanka soomaaliya u qaabilsan dastuurka qabyo tirkiisa ayaa xalay ka dhacay aqalka dowladda hoose ee xamar. Kukankaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Reysal wasaare ku xigeenka dalka, gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha shacabka ee baarlamaanka soomaliya, wasiiro katirsan xukuumadda Soomaliya, xildhibaanada ...

Read More »

Guddoomiye Muudey” Waa la xaday dastuurkii saxda ahaa ee Soomaaliya”

Cabdiweli Ibraahim Muudey oo ah Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha shacabka ee baarlamaanka soomaliya islamarkaana ah kusimaha gudoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in dastuurka dalka ee hadda lagu dhaqo uusan ahayn midkii ay ansixiyeen odayaasha dhaqanka soomaliyeed. Distuurkii saxda ahaa ee Soomaaliya waa la dhumiyay oo meyl malgu sheego ayuu yiri mr Muudey. Muudey ayaa intaas raaciyay in Dastuurka ...

Read More »

Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Galabta Guul Weyn Ka Gaaray Xulka Kenya Una Soo Gudbay 4 Dhamaadaka CECAFA

Xulka QarankaSoomaaliya ee dadoodu ka hoosayso 17jirka ayaa galabta guul raaxo leh ka gaaray dhigoodaka kenya oo ay kula cayaarayeen dalka burundi Cayaarta ayaan daqiiqadihii loogu tala galay ku dhamaatay 1 iyo 0 ay ku badiyeen wiilashii matlaayay Qaranka soomaaliya” Dalka Burindi oo uu ka socdo koobka loo dhigo Qaramadda Bariga iyo Bartamaha Afrika Ee Marka Magaciisa la’soo gaabiyo loo ...

Read More »

Dhagayso:-Shirkadda Star Csat Oo Muqdisho Ku Bandhigatay Adeeg Casri Ah Oo Ay Soo Kordhisay

Shirkadda Caalamiga Ah Ee Star Cast ayaa magaaladda muqdisho ku daah furtay Eedga IPTV OO Ah mid  ku cusub guud ahaan qaarada Africa, gaar ahaan dalkeena Soomaaliya oo markii ugu horeysay ay tahay in la keeno Isgaarsiinta TriplePlay. Adeega TIRIBELPLAY Oo ay Star Cast soo kordhisay ayaa faa’iidooyinkiisa waxaa ka mid ah in qofku uu hal fiilo ku daawankaro DESKTOP ...

Read More »

Akhriso:-Xildhibaan Mahad Salaad Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Culimadii Shalay Ka Hadashay Bandhig Faneedyadda Lagu Qabto Muqdisho

xildhibaan mahad salaad oo ka tirsan baarlamaanka soomaaliya oo war qoraal ah soo dhigay Bartiisa Fecbook ayaa weerar afka ah ku qaaday hay’adda culimadda soomaaliyeed oo shalay ka hadlay Bandhig Faneedyadda lagu qabto muqdisho’ Hoos Ka Akhriso Qoraalka Uu Mahad Salaad Soo Dhigay Fecbook Wadaad aan lahayn Ardo ama Xer ku xiran oo Diinta uu baro. Aanan joogin Masaajid, Mowlac ...

Read More »