Dhagayso:-Guddiga doorashada Afhayeenka Baarlamaanka Oo Wasiir Xoosh Ku Eedeeyay In Uu Fara Galin Ku Hayo Arimaha Guddiga

0
23

Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo maalintii  shalay sheegay in hadalkii ka soo baxay guddiga doorashada afhayeenka Golaha Shacabka Soomaaliya uu yahay mid aan waxba ka jirin kaas oo ahaa in musharaxa Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Wasiirada Soomaaliya ka tirsan in uu marka hore is casilo.

Guddiga qaban qaabada doorashada ayaa waxa ay sheegeen in uu qaldan yahay Wasiirka Dastuurka ayna cambaareynayaan warkaas ka soo baxay,isla markaana uu sheegay isaga oo aan Guddiga la soo xiriiririn.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Shaacir ahna Madaxa Maaliyadda ee Guddiga oo warbaahinta la hadlay  ayaa waxa uu sheegay in guddigooda uu yahay mid madax banaan Wasiirka Dastuurkana uusan faraha lasoo geli Karin Shaqadooda,waxa uuna sheegay in iyagu ay yihiin kuwo uu Baarlamaanka arrintaan uu u xil saaray.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in Dastuurka uusan ku jirin qodob sheegaya in Wasiir uusan isa sharixi Karin iyo in uu isa sharixi karo laakin loo baahan yahay in meel dhexe la isugu yimaado.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in hadalkii ka soo baxay Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil kana mid aheyn Xildhibaannada Golaha Shacabka uusan ku yeelan doonin wax saameyn ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Shaacir ahna Madaxa Maaliyadda ee Guddiga doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here