Sawirro:-Galmudug Oo Ku Guulaysatay Dib U Firido Wadda Isku Xirta Dhuusamareeb iyo Ceel Dheer

0
6

Maamul Goboleedka Galmudug Ayaa Maanta Ku Guuleystay Dib U Furidda Wadda isku xirta maagaalooyinka dhuusamareeb iyo ceel dheer oo muddo Shan Sano ah u Xirneed Sababo Amni”

Waddaan ayaa Waxaa si wada jir ah Xariga uga jaray Madaxa Xukuumadda  Galmudug

Shiekh Maxamed Shaakir iyo Wasiiro Dawlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya Dhowaana Xildhibaanimo loogu doortay Magaalada Dhusamareb Mudane C/laahi Faarax Weheliye’

Qaar ka mid ah Waxgaradka Deegaanada Galmudug ayaa soo dhoweeyey in dib loo furo Wadadaan isu socodka Dadka iyo Gaadiidka Muhiimka u ah.

Madaxa Xukuumadda  Galmudug Sh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Bulshada Galmudug ugu baaqay inay ka qayb qaataan dib u dhiska Dalka Wadaduna ay u furan tahay Shacabka.

Xildhibaan C/laahi Faarax Weheliye Wasiiru Dawlha Wasaarada Arimaha

Gudaha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay inuu Maamulka Galmudug uga Mahad celinayo inay ku guuleystaan Dib u furida Wadadaan.

Wadadaan dheer ee Jidcadaha ah iskuna xirta Caasimada Galmudug iyo Degmooyinka Gobolka Galgaduud ayaa furitaankeedu waxa uu muhiim u yahay Gaadiinka Shacabka Galmudug

hoos ka daawo sawirrda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here