Monthly Archives: March 2018

Khayre oo ka baaqday kormeer uu xalay sameyn rabay

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa xalay ka baaqday kormeer uu doonayay inuu ku maro Isgoysyo ka mid ah Magaalada Muqdisho, kadib markii ay soo kordheen arrimo xasaasi ah oo Siyaasadeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa balamiyay Suxufiyiinta, waxaana loo sheegay Wariyeyaasha in uu Kormeer sameynayo Khayre, sidaasi awgeedna 12:00 habeenimo ayaa Suxufiyiinta la isugu geeyay Daljirka Daahsoon, halkaasi oo lagu ...

Read More »

SAWIRRO: Madaxweynaha Jubbaland oo ku booriyay Dhalinyarada dadaallada ay waddaan

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dhalinta Ubaxa Nabada Jubbaland kala qayb qaatay qurxinta iyo Calaamadaynta wadooyinka Magaalada Kismaayo. Madaxweynaha ayaa dhalinyradan is xilqaamay ku booriyay dadaal kooda qaybta ka ah dib u dhiska wadanka iyo soo celinta bilicda Magaalada isagoo sheegay in ay qayb muhiim ah ka tahay isku tashiga dadweynaha. Waxaa uu sidoo kale tilmaamay ...

Read More »

Maxaabiis laga soo dejiyay Muqdisho

Magaalada Muqdisho  waxaa laga soo dajiyay maxaabiis laga keenay dalka Libya, kuwaasi oo ay soo daysay dowladda Federalka Soomaaliya. Maxaabiistaan ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa illaa 13 dhalinyaro ah oo doortay in dalkooda hooyo dib loogu soo celiyo, iyadoo tiro kale oo dhalinyaro ah iska diideen in dalkooda lagu soo celiyo. Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya ayaa dhalinyaradan waxa ...

Read More »

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka oo kulan ka yeelanaya Mooshinka Jawaari

Guddiga joogtadda ah ee Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa kulan deg deg ah ka yeelan doona Saacaddaha soo socdo Mooshinkii laga soo gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya. Guddiga ayaa lagu wadda in ay ka hadlaan sida loo waji doono Xaaladda Mooshinka, islamarkaana loo xaqiijin lahaa tiradda Xildhibaanada Mooshinka soo gudbiyay. Waxaa sidoo kale jira Xildhibaano kulamo kala duwan la leh Guddoomiyaha Baarlamaanka ...

Read More »

Askar Kenyan ah oo ku dhintay qarax lala eegtay

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya inta u dhaxeysa Degmooyinka Ceelwaaq iyo Mandhera, qarax khasaare gaystay ayaa lala eegtay ciidamada Kenya. Qaraxan oo maanta barqadii ciidamada Kenya lagula eegtay duleedka Degmada Ceelwaaq, ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen laba ka mid ah ciidamada Kenya. Gaari ay saarnaayeen ciidamada Kenya ayuu qabsaday qaraxaan, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo kala duwan ...

Read More »

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka hadlay Qaraxii ka dhacay Sh/Hoose

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Konfur Galbeed somaaliya mundane Shariif Xasan Sheeq Aadan ayaa wuxuu tacsi u diray dhammaan Reer Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Golaha Wasiirada iyo Xilibaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Eheladii iyo Qaraabadii Uu Ka Geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum C/Qaadir C/xaxmaan Cali (Baraf) oo ku Geeriyooday inta u dhaxeysa degmada Wanlaweyn iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha ...

Read More »

Koonfur Galbeed oo 2,500 Askari u diyaarineysa Sh/Hoose

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Koonfur Galbeed ay kordhiyeen Howlgallada ay ka wadaan Gobolka Shabeellaha Hoose, ee ka dhanka ah ururka Al-shabaab. Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin (Gacma) oo la hadlay Idaacadda radio cadaado ayaa sheegay in Gobolka loo qorsheeyay Ciidan gaaraya 2,500 hadana uu socdo abaabul ku aadan ...

Read More »

maamulka galmudug oo gacan kataagay kooxo isbaaro dhigtay duleedka cadaado

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay soo badanayeen tirada Jid gooyinka ay Maleeshiyaadka hubeysani ay dhiganayaan duleedka Degmada Cadado Ee Gobolka Galgaduud ayaa Saameyn Xoogan waxay arrintaas ku yeelatay isku socodka gaadiidka dadweynaha ee ku Safra wadada dheer ee marta gobolda dhexe ee somaaliya. Masuuliyiinta ka tirsan Maamulka Galmudug waxa ay sheegeen in aysan waxba ka qaban Karin Isbaarooyinkaas la ...

Read More »

Guddiga dib u eegista Dastuurka ee B.S oo weerar afka ah ku qaaday Wasiirka Dastuurka Soomaaliya.

War ay soo saareen Guddiga la socodka dib u eegitsa iyo hirgalinta Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in kalsoonida ay kala noqdeen Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil. Gudigaan ayaa eedeymo kala duwan u soo jeediyay Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil waxayna eedeymahaas ay ku wargiliyeen Gudoonka Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ...

Read More »