Akhriso:-Xildhibaano shaaciyey in uu burburay mooshinkii Jawaari

0
59

Xalay Xarunta Villa Hargeysa waxa shir ku yeeshay Xildhibaano la magac baxay badbaadada Baarlamaanka Soomaaliya kuwaas oo shirkooda Caawa ka soo saaray Go’aano ku saabsan mooshinkii laga gudbiyey gudoomiye Jawaari.

Xildhibaanadaan oo tiro ahaan sheegtay in ay gaaraayaan ilaa 120 mudane ayaa waxa ay sheegeen in uu burburay mooshinkii laga gudbiyey Jawaari marka laga soo bilaabo 18 Bishaan ilaa 28 Bishaan kaas oo ay iclaamiyeen Gudiga xalinta khilaafaadka Aqalka Sare,iyaga oo u cuskanayay qodobo ka mid ah Xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in waqtigii loogu talo galay mooshinka in uu dhamaaday markii loo fiiriyo sharciga,isla markaana 10,kii maalmood ee sharcigu ahaa uu Maanta ku ekaa.

Waxa ay ugu baaqeen Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari in howshiisa Shaqo uu siiwato maadaama mooshinkii laga gudbiyey uu burburay.

Hoos Ka Akhriso Go’aanka ay soo saareen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here