Qaar ka mid ah wadooyinka Magaalada Muqdisho oo xiran

Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, iyadoo gaadiidka ay saaran yihiin dadka shacabka ah aysan isaga kala gudbi karin Isgoysyada Magaalada gudaheeda.

Isgoyska Tarabuunka, Isgoyska Digfeer, KPP, Bakaaraha, Hawlwadaag, Foloransa iyo Isgoyska Dabka ayaa xiran ciidanka dowladda ayaana ku sugan.

Gaadiidka rayidka ayaa loo diidayaa dhamaan Isgoysyadan inay maraan, kaliya waxaa loo ogol yahay kuwa ay wataan ciidamada dowladda Federalka Somaliya.

Tani ayaa ah dhibaato ay la kulmaan dadka ku nool Magaalada Muqdisho, balse ma jirto cid wax iska waydiisa raali gelinta Bulshada ee ku aadan wadooyinka ay maraan.

Magaalada Muqdisho ayaa xilliyada ay dhacaan falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka, waxaa cadaadis xooggan la kulma Bulshada, iyadoo ciidanka qaab caro leh ay u dhibaateeyaan dadka shacabka ah.

Marka la eego dhacdooyinka amni ee Magaalada ka dhaca iyo fal celinta dowladda ay arrintaasi ka sameyso, ayaa dadka arrimaha ammaanka ka hadla waxa ay sheegayaan in dowladda ay ku fashilan tahay suggida ammaanka Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*