Kalfadhiga 3aad ee Golaha shacabka oo todobaadka soo socda furmaya

0
75

Kalfadhiga 3aad ee golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu wadaa inuu todobaadka soo socda uu si rasmi ah u furmo, iyadoo Guddiyada joogtada Golaha shacabka ay shirar horudhac ka leeyihiin ajandayaasha looga hadlayo kalfadhigan iyo hindise sharciyeedyada hor-yaala.

Sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow xarunta Villa Hargeysa 10-ka bishan oo ku beegan maalinta Sabtida ee soo socota ayaa la filayaa inuu kalfadhiga 3aad uu furmo, kaddib saddex bilood oo uu xirnaa.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u furo kalfadhiga 3aad, sida uu sharciga yahay, waxaana furitaanka kalfadhiga 3aad ku soo aadayaa, iyadoo sanad u buuxsantay dowladda uu hoggaamiyo iyo Xukuumadda Kheyre.

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa fasax ku maqnaa saddexdii bilood ee la soo dhaafay, waxaana ay bilaabeen inay dalka dib ugu soo laabteen, kaddib safaro dibadda ugu maqnaayeen.

Kalfadhiga 3aad ee Golaha shacabka ayaa la filayaa inuu ka duwanaado labadii kalfadhi ee u dambeeyay, iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka ay sheegeen inay la xisabatami doonaan Xukuumadda iyo hey’adaha kala duwan ee dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here