Somaliland oo si kulul uga jawaabtay hadalkii Ra’iisul Wasaare Kheyre

0
51

Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/raxmaan C/llaahi Faarax oo loo yaqaano Guri Barwaaqo oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii ka soo yeeray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ee ku saabsanaa heshiiskii Dekeda Berbera.

Wasiir Guri Barwaaqo ayaa sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay inay heshiis la gasho cidii ay doonto, isla markaana uu dhigayo dastuurkeeda, waxaa uu xusay in Soomaaliya ay ka go’een 1991.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Heshiiskii heshiiskii saddex geesoodka ee dhex maray Somaliland, DP World iyo Dowladda Itoobiya in aanu aheyn mid cusub, balse uu ahaa heshiis dhameystir ah.

Waxaa uu intaa ku daray in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya looga baahan yahay inuu mideeyo degmooyinka Muqdisho oo aanu maamulin, intii uu ka hadli lahaa waxa uu ugu yeeray riyada midnimada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku sugnaa Imaaraadka Carabta, xilligii la saxiixayay heshiiskii saami qeybsiga Dekeda Berbera ayaa ku tilmaamay in heshiiskaas uu sharci darro yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here