Muqdisho oo qarka u saaran inay dib ugu laabato Qadkii Cagaarnaa iyo jidadka oo xiran

Magaalada Muqdisho ayaa maalintii 3aad xiran, iyadoo isu socodka dadka iyo gaadiidka uu yahay mid ciriiri ah oo gaadiidka meel dhexe ka kala wareegayo.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray isgoysyo dhowr ah oo isku xira waddooyinka waa weyn ee magaalada.

Gaadiidka ka soo qaada Isgoyska Banaadir ama KM4 ayaa ku kala wareegaya inta uusan gaarin isgosyada ku teedsan wadada Wadnaha, halkaasoo ay dadka ka lugeynayaan, dabadeedna ay gaadiid kale sii raacayaan.

Dhibaatada ugu badan ee dadka ku qabaan xaalada cusub ee ku soo korortay qaabkii waddooyinka loo xiri jiray ayaa ah halkii markii hore hal gaari lagu tagi jiray in hada kugu qaadaneyso in labo gaari in aad raacdo.

Dadka ku dhaqan bariga magaalada Muqdisho ayaa marka ay aadayaa dhanka koofureed ku qaadaneysa inay labo gaari ku tagaan, halka dadka ka imaanaya galbeedka ama koofur ee u soo safraya dhanka waqooyi ee magaalada ay iyana ku qaadaneyso labo gaari.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray isgoysyada muhiimka u ah isu socodka degmooyinka, kuwaasoo kala ah Sanca, Afarta Jardiin, Siinaa, Xarar-yaalle, Geed Jaceyl, Aadan Cadde, Howlwadaag, Bakaaraha, Tarabuunka iyo jidad kale oo markii hore ay isticmaali jireen gaadiidka dadweynaha ayaa weli xiran.

Xaalada maanta ka jirta magaalada ayaa dadka dib u soo xusuusineysa xilligii labada gedi u kala qeybsaneyd Caasimadda Muqdisho, iyadoo u muuqato mid dib loogu laaban rabo qadkii cagaarnaa ee magaalada ka jiray xilligii hoggaamiye kooxeedyadii, hadii aan xal la helin,

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*