Monthly Archives: February 2018

DHAGEYSO: Shir looga hadlaayo Xaaladda Ammaan ee dalka oo ka furmaya Kismaayo

Maalmaha soo socda ayaa lagu waddaa in Magaalada Kismaayo uu ka furmo shir looga hadlaayo Xaaladda Ammaan ee Soomaaliya. Shirkaan oo hadda qabanqaabadiisa ay ka socota Magaalada Kismaayo waxaa ka qeyb gali doona xubno ka socda maamul goboleedyadda, dowladda Dhexe iyo Beesha Caalamka. Wasiirka Amniga dowlad goboleedyadda Jubbaland Cabdirashadiid Xasan Nuur Janan ayaa sheegay in Shirkaan waxyaabaha diiradda lagu saari ...

Read More »

DHAGEYSO: Yariisow” Dadkii dhulkooda laga qaaday midkale ayaan ugu badelnay”

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa shaaciyay in dhul ay leeyihiin dad Shacab ah oo ku yaalla degaanka Jazeera lagu wareejiyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Guddoomiye Yariisow ayaa tilmaamay in dhulkaasi ay xarun tababar ka dhisi doonto dowladda Turkiga sidaas darteed ay go’aansaday in dadka Shacabka ah dhulka kale la siiyo. Waxaa uu sheegay ...

Read More »

QM oo loogu baaqay inay maalgeliso ciidamada Saaxil ee Afrika

Moussa Faki Mahamad Gudoomiyaha Golaha Midowga Afrika, ayaa ku baaqay in taageero dheeraad ah la siiyo   ciidamo goboleedka ka hortagga argagixisada ee gobolka Saaxil. Waxaa uu sheegay in Qaramada Midoobey laga doonaayo in ay taageerto ciidamadaasi, islamarkaana ay maalgaliso, maadaama Qaaradda Afrika iyo sidoo kale Adduunka ay ka hayaan Khatar weyn. Gudoomiyaha ayaa ka hadlaayay shirka ammaanka ee magaalada Munich ...

Read More »

Ciidamada Soomaaliya oo saanad la`aan dardeed ugu sugnaan waaya deegaanada ay qabsadaan.

Maalmahaan danbe ayaa waxaa jiray dhaliilo ka imaanayay siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada taas oo loo soo jeedinayay ciidamada Soomaaliya oo todobaadkii hore la wareegay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose oo horay deegaanadaas ay ugu sugnaayeen Al-shabaab, laakiin isla maalin gudaheed ay isga soo baxeen ciidamadii dowlada ee deeganadaasi qabsaday. Xildhibaan Axmed mayow Cabdule oo ...

Read More »

Faahfaahin dagaal ka dhacay Sh/hoose

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada AMISOM iyo sidoo kale Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degaanka lagu Magacaabo Ababaay oo ka mid ah degaanada hoostaga degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada hoose. Dagaalkaan ayaa yimid ka dib markii Al-Shabaab ay jidka u galeen ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo la sheegay in ay kusii jeedeen degmada Baraawe. Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in ...

Read More »

Kenya oo qabatay Gaari siday waxyaabaha Qarxa

Maamulka gobolka Isio ee dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ay gacanta ku dhigeen gaari siday waxyaabaha qarxa iyo sidoo kale hub kasoo ka yimid gudaha Soomaaliya, islamarkaana kusoo jeeday qeybo ka mid ah Kenya. Waxa ay sheegeen maamulka gobolkaasi in ay la socdeen dhaqdhaqaaqa gaarigaasi tan iyo markii uu kasoo baxay Gudaha Soomaaliya. Gaariga ayaa waxaa saarnaa Miinooyinka dhulka lagu ...

Read More »

Markab mudo kadib kusoo xirtay Baraawe

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu kusoo xirtay Markab sidda Shixnado kala duwan. Markabkaan ayaa sidda qalab dhismo oo loogu tala galay in lagu dhiso Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baraawe. Waxyaabaha uu waddo Markab kusoo xirtay Baraawe ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah Baabuur iyo Contenaro. Guddoomiyaha Baraawe ...

Read More »

gabadh kaste oo qalbi wanaagsani waa ay qurux badan tahay!!)

Ruux dumar ah oo aad u laf wayn, dheer, garbo waawayn wajigeedana laga cabsanayo ayaa xafiis qareenno (Lawyers) soo gashay. Isla markiiba qareennadii ayaa midh midh u baxay. Xafiiskii waxa ku soo hadhay gabadh aad u da’ yar oo ku cusub shaqada. Iyada oo hadalkeeda uu ka muuqdo cabsi iyo warwar badan ayaa waxa ay waydiisay maxaan kuu qabtaa? Gabadhii ...

Read More »