Rag dhac ka geystay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

0
188

Mid ka mid ah ilaalada Bakhaarka iyo Burcada ee iska hor imaadka dhexmaray ayaa waxaa waxaa ka dhashay khasaare Nafeed iyo mid Hantiyadeed.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhimatay falkan laba qof oo mid uu yahay Burcadii weerarka soo qaaday halka midka kalena uu ka mid ahaa ilaalada Bakhaarka.

Falkan ayaa waxaa ku baxay Guddoomiyaha degmada Warta-nabadda Zeynab Xaabsey iyo Guddoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed C/laahi Maxamed (Tuulax), oo ku guuleystay in ay arrinta kala dhexgalaan, soona xiraan laba ka mid ah raggii dhaca geysanayay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) oo falkan ka jawaabayay ayaa kulan la yeeshay Guddiga Ganacstada Gobolka oo uu hoggaaminayay Guddoomiye C/kariin Gabayre.

Wuxuu sheegay Eng. Yariisow raggan gacanta lagu dhigay in loo gudbiyay Hay’adaha baarista, lana horgeyn doono sharciga, wuxuuna u digay Burcadda falalka nuucaan oo kale geysata.

Inta badan magaalada Muqdisho xaafadaheeda waxaa dhac iyo jirdil loogu geystaa dadka shacabka ah, waxaana geysta rag ku labisan dareeska Ciidanka, kuwaasi oo ku faca awood ku takri fal ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here