Tababare Zidane Oo Ka Hadlay Dhaaawaca Marcelo & Mudada Uu Qaadan Karo

0
48

Zinedine Zidane ayaa aaminsan in dhaawaca muruqa ah ee soo gaaray Marcelo uu yahay mid yar, iyadoo daafaca bidix uusan shaki ku jirin inuu wajihi doono kooxda Paris Saint-Germain kulanka lugta labaad ee wareega 16ka Champions League ee dhacaya bisha soo socota.

Marcelo ayaa dhaliyey goolkii ugu dambeeyay ciyaartii Madrid guusha 3-1 ka gaareen kooxda ka dhisan caasimada Faransiiska , laakiin waxaa dhaawac looga saaray kulankii ay 5-3 kooxdiisa kaga badiyeen Real Betis xalay.

Madrid ayaa durbadiiba waxa ay wajaheysa xaalad dhaawacyo ah, iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Toni Kroos laga saaray garoomada, xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa seegay kulankii xalay kooxdiisa wajahday Betis.

Labada ciyaaryahan ayaa heysta wax ka yar seddex isbuuc si ay ugu soo kabsadaan dhaawaca ay qabaa ka hor kulanka PSG ee 6da bisha March.

Laakiin Zidane ayaa sarre u qaaday fursada uu kusoo noqon karo ciyaaryahanka reer Brazil ee Marcelona kadib markii uu xalay soo gaaray dhaawac muruqa ah.

“Waxaan rajeynayaa in dhibaatada Marcelo ay yar tahay,” Zidane ayaa yiri ka dib markii kooxdiisa kasoo noolaatay natiijo 2-1 ah .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here