Julian Baptista: “Hadii Aad Laaddo Lionel Messi Wuxuu Ka Qaadaa Dhiirigalin, Waxaana La Mid Ah Neymar Junior”

Xidigii hore kooxo badan oo qaaradda yurub ah Julian Baptista ayaa shaaca ka qaaday in Neymar Jr uu la mid yahay Lionel Messi, labada xidigna ay yahiin nuuca ciyaartoyda aan la isku dayin in la laaddo (darbeeyo) maadaama ay dhiiranaan ka qaadayaan.

Xidigii hore Madrid wuxuu saaxiib dhaw la yahay Neymar Junior, wuxuuna si weyn kaga hadlay kulanka Arbacada dhexmari doona kooxaha Paris Saint Germain iyo Real Madrid, iyadoo xidiga reer Brazil uu wajahayo waqti adag maadaama kulankaas uu u yahay nolol iyo geeri.

Hadii Neymar Junior uu rabo inuu talaabo u qaado abaalmarin shaqsi ah ama uu doonayo inuu muujiyo awoodiisa waa inuu guul ka gaaraa Real Madrid isla markaana kooxdiisa uu u yeelaa waji laga cabsado.

“Marka aan la ciyaareyno Argentina waxaan dhihi jirnay, yaan la laadin Messi si uusan sare u kac u sameynin, waana mid la mid ah Neymar, waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu qatarta badan kubadda cagta” ayuu yiri Julian.

“Neymar wuxuu leeyahay awood dheeri ah oo uu dhibaato ku abuuri karo si fudud, waana xidig qaan gaar ah oo kubadda ku raaxeysta, waana wax muhiim ah”

Dhanka kale Baptista waxaa la weydiiyay kulanka muhiimka ah ee kooxdisii hore iyo Paris Saint Germain dhexmari doona, balse midkoodna guul ma siinin uxuu noqday mid cabira kaliya sida ay kooxaha yahiin.

“Waa kulan furan, PSG waa koox xoogan, waxeyna leedahay weerarka ugu fiican yurub, halka Madrid ay tahay mid aan sidii hore aheyn”

“Madrid waa Madrid, wey garanayaan sida loogu guuleysto Champions League, sidaas darteed kulanka waa mid furan”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*