Alexis Sanchez Oo Iska Khasaariyay Gool Madhan Oo Uu Daafacii & Goolhayihiiba Meel Cidla Ah Kaga Yimid, ilaa Adiga Ayaa U Qaadan Waayaya

0
129

 

Xidiga xulka qaranka Brazil iyo kooxda Real Madrid ee Marcelo ayaa dabka ku sii shiday mustaqbalka xidiga ay isku qaranka Brazil yihiin balse ay usbuucan cadowga iskugu noqon doonaan kulanka Real Madrid iyo Paris Saint-Germain ee Neymar Jr. Neymar Jr ayaa tan iyo markii uu Paris u dhaqaaqay lala xidhiidhinayay Real Madrid laakiin Marcelo ayaa xaalada dabka ku sii shiday.

Marcelo oo waraysi siiyay Esporte Interativo ayaa ku dooday in maalin uun ay dhici doonto in Neymar Jr uu u ciyaari doono Real Madrid. Inkasta oo loo qaadan karo in Marcelo uu ku mashquulinayo Neymar Jr oo ay arbacada Bernabeu iskugu soo gali doonaan ayuu haddana xaalada cusub ku sii abuuray mustaqbalka Neymar.

Marcelo oo ka jawaabayay haddii uu Neymar jr ku haboon yahay hanaanka ciyaareed ee Real Madrid iyo in uu ku soo biiri doono ayaa yidhi: “Anigu waxaan filayaa in maalin uun uu Neymar u ciyaari doono Real Madrid. Miyuu Neymar ku haboon yahay Real Madrid?. Hubaashii uu ku haboonaan karaa”.

Marcelo oo hadalkiisa sii quruxinaya ayaa yidhi: “Wax fiican ayay noqon doontaa haddii uu halkan Real Madrid iman lahaa. Aniga fikrad ahaantayda, ciyaartoyda waa wayn waxaa waajib ku ah in ay kooxdan u ciyaaraan”.

Intaa kadib Marcelo ayaa ka hadlay kulanka Real Madrid iyo PSG wuxuuna yidhi: “Waxaan filayaa in ay ahaan lahayd finalka, qof kastaaba waxa uu sugayaa kulankan. PSG waa koox wayn oo ciyaartoy waa wayn haysata, Real Madrid-na waxay taariikh cajiib ah ku leedahay tartankan. Magaca kooxda ayaa micno samaynaya, waxa uu noqon doonaa kulan uu qof kastaaba doonayo in uu arko”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here