Mukhtaar Rooboow Oo Ciidamo La Dagaalama Al-Shabaab Ka Qoranaya Gobolada Baay & Bakool

1
40

Wadaadka Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo maalma ka hor gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay ayaa la sheegayaa in uu bilaabay qorshaha uu ciidankaas ku qoranayo.

Warar ay heshay Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada deeganada ugu badan ee uu ka qoran doono ay yihiin Gobolka Bakool, iyada oo deegaano hoostaga degmada Xudur ay ku sugan yihiin Ciidamo taabacsan Muqtaar Roobow.

Qorshaha uu ciidamadaan ku qoranayo ayaa la sheegayaa in ay kala Shaqeynayaan Saraakiil ka tirsan Maamulka koonfur galbeed,waxa ayna Cidamadaas qeyb weyn ka qaadaan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka bilaabanaya gobolada Baay & iyo Bakool

Muqtaar Roobow ayaa haatan ku sugan Magaalada Baydhabo,waxa uuna kulamo arrintaan qorashada Ciidamada ah uu kala tashanayaa madaxda ugu sareysa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Horay ayaa markii Muqtaar Roobow uu isugu soo dhiibay dowladda soomaaliya waxa uu sheegay in uu la dagaalami doono Al-Shabaab waxaana dagaalkii ugu cuslaa ay ciidamadiisa kula galeen Al-Shabaab deegaanka Abal ee Gobolka Bakool,waxana dagaalkaas ku geeriyooday wiil uu dhalay oo lagu Magacaabi jiray  Cabdullaahi Muqtaar Roobow.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here