Monthly Archives: January 2018

Ra’iisul Wasaare Kheyre”Soomaaliya Waxa Ay Heeysaa Jidkii qaranimada

Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Xalay kulan la qaatay Qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerland iyo Nawaaxigeeda. Kulankaasi oo ku dhacay jawi wanaagsan iyo isfaham ayaa waxaa la hadlay Dadkii ka soo qeybgalay kulankaasi Ra’iisul-wasaaraha Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre, wuxuuna sheegay in Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay ...

Read More »

Al-Shabaab iyo Ciidanka Xoogga oo ku dagaalamay Gobalka Hiiraan.

Sida ay Sheegayaan Wararka laga helayo Magaalada Balad weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Dagal u dhexeeya Ciidamada Xoogga iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab uu ka dhacay Duleedka Magaaladaasi,gaar ahaan deegaanka Gemberlaawe oo Balad weyne u jira 5KM. Dagaalka ayaa socday Mudo saacado ah,islamarkaana Waxaa la maqlayay Dhawaqa Madaafiicda Cul-cules ee labada dhinac ay isku adeegsanayeen waa Dagaalamayaasha Shabaab iyo ...

Read More »

Dhageyso:-Dowladda Jabuuti Oo Tababar U Soo Xirtay Askar Ka Mid Noqoneysa Ciidanka Booliska Soomaaliya

Waxaa Gudaha Xarunta Akeedamiyada iyo tababarka Ciidanka Booliska Dalka Jabuuti ee Idiris Faarax Cabane tababar loogu soo xiray ciidamo ka mid noqon doona ciidanka Booliiska Soomaaliya. Ciidamadaan oo gaaraya 270 Askari ayaa waxa maalgelisay tababarkooda dowladda Talyaaniga,waxaana Ciidamada tababarka loo soo xirayay Goobjoog ka ahaa wasiiro ka tirsan dowladda Jabuuti iyo ku simaha taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya ahna taliye ku ...

Read More »

Doorashada Xubnintii Xildhibaanimo Ee Uu Waayay Sambaloolshe Oo Beri Ka Dhaceysa Jowhar

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ayaa lagu wadaa in Maalinta Berito ah oo ku beegan 27/1/2018 lagu qabto doorashada Kursiga xildhibaanimo ee uu waayay Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo ahaa taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya. Kurigaan ayaa taliye Sambaloolshe waxa uu ku waayay kadib markii uu noqday taliyaha ciidanka Nabad-Sugida,waxana la filayaa in uu mar kale u tartamo Xubinta Xildhibaanimo ...

Read More »

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Canada

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka qeyb galaya shirka Dhaqaalaha Adduunka ee ka socda Davos ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau Labada Ra’iisul Wasaare ayaa isku arkay Munaasabad casho aheyd oo loo sameeyay madaxdii ka soo qeyb gashay shirka dhaqaalaha Adduunka, waxaana ay yeesheen kulan istaag ahaa. Mr Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ...

Read More »

Guddoomiyaha cusub ee G/Banaadir Eng. Yariisow iyo Guddoomiyihii xilka laga qaaday oo kulmay

Waxaa caawa la soo afjaray xiisadii maalmahan ka taagneyd Gobolka Banaadir ee ka dhalatay khilaafkii arrimaha maqaamka Caasimadda, taasoo uu xilka ku waayay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed. Xubno isugu jiray Wasiiro, Taliyeyaal, iyo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa caawa gurigiisa ku booqday Guddoomiye Taabid Cabdi, waxaana dhex maray kulan uu albaabada u xirnaa. Kulankan ...

Read More »

Dhageyso:-Turkiga oo Xukuumadda Soomaaliya ku wareejiyay Qalab Casri ah

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta daah furay qalab casri ah oo saaraya Maraakiibtii ku bur buray Biyaha Badda iyo qashinka ku dhex jira. Qalabkan cusub oo ay keentay shirkadda Albeyrak ee ka howlgasha Dekadda Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa goobta lagu daah furayay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys ...

Read More »

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Gobolka Gedo

Maamulka Gobolka Gedo ayaa faah afahin ka bixiyay howlgal ay sheegeen in ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab kaas oo laga sameeyay deegaano ka mid ah gobolkaas. Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan Ururka 48aad  Guutada 10,aad qeybta 43,aad ayaa howlgallo waxa ay ka sameeyeen deegaano ka mid ah gobolka Gedo gaar haan duleedka degmada Buurdhuubo. Howlgalkaan ayaa Saraakiisha ...

Read More »

Dhageyso:-Gudoomiye Taabit oo kormeer ku tegay Ciidamada ku sugan Koontoroolada laga soo galo Muqdisho+Sawirro

Xalay Saqdii dhexe ayaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed Waxa uu booqasho aan horay loosii shaacin ku tegay Koontoroolada ay ciidamada dowladda kaga sugan yihiin Wadooyinka laga soo galo Muqdisho. Goobaha uu gudoomiye Taabit sigaar ah u tegay ayaa waxaa ka mid ah Koontoroolada Kaxda, Daaru Salaam, Xoosh, Siinka-dheer iyo Xarumo kale,waxana uu ciidanka u geeyay ...

Read More »

Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo Maanta saxiixaya Miisaaniyadda dowladda ee 2018

Shalay ayaa dhankooda ansixiyeen Xildhibaanada aqalka Sare Miisaaniyada dowladda Soomaaliya ee Sanadka 2018 kadib markii ay horay u ansixyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya. Miisaaniyada dowladda ee Sanadkaan ayaa ka duwan sanadkii hore ee 2017,waxana Miisaaniyada dowladda ee Sanadkaan ay tahay 274 Milyan oo Dollar,waxana qeyb ka ah dhismaha iyo horumarinta Xarunta Akadeemiyada Fanka iyo Suugaanta. Maanta ayaa la filayaa in ...

Read More »