Monthly Archives: January 2018

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Ciidamada Somaliland iyo Puntland

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanadii gobolka Sool ay ku dagaallameen Ciidamada Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in hadda ay degan tahay Xaaladda degaankaasi inkastoo ay wali jiraan Dhiilo colaadeed. Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka dagaalka xooggiisa ayaa joogsaday, waxaana ciidamada Somaliland ay ku sugan yihiin degaanka Tukaraq iyo sidoo kale degaanada hoos yimaada. Dagaalka ...

Read More »

Jowhar oo maanta ay ka dhaceyso doorasho loo galaayo kursi ka banaan Golaha Shacabka

Magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabeele ayaa maanta lagu waddaa in lagu qabto doorashadda kursi ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo ka banaan Baarlamaanka Soomaaliya. Kursigaan ay dhaceyso doorashadiisa ayaa horay waxaa ugu kuu guuleystay Taliyihii hore Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo kursigaasi waayay markii uu noqday taliyaha Nabad Sugida. Qabanqaabadii ugu dambeysay ...

Read More »

Wareysi:-Kaaliyihii Maxkamada D/Walweyn Oo Xalay La Dilay Iyo Howlgallo Ka Socda Degmadaas

  Degmada Walaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa xalay lagu dilay Kaaliyihii Maxkamada degmada Walaweyn oo lagu Magacaabi jiray Maxamed Jacfar Cabdi. Dilka ayaa sida la sheegay wax uu ka dhacay afaafka hore ee guriga kaaliyaha,iyada oo dadkii ka dambeeyay dilkaas ay goobta isaga baxsadeen sida uu Dalsan u sheegay gudoomiye ku xigeenka degmada Walweyn Maxamed Cabdullaahi Cumar. Gudoomiye ...

Read More »

Dhageyso:-Generaal Subagle”AMISOM Kaba Baxeysa Soomaaliya Ilaa La Wiiqo Awooda Al-Shabaab

General Cismaan Nuur Subagle Taliyaha Ciidamada AMISOM ee howlgalka midowga Africa ee Soomaaliya oo la hadlayay Warbaahinta dowladda ayaa faah faahiyay qorshaha Amisom ee ka bixitaanka Soomaaliya iyo Guulaha ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab. Waxa sheegay in ay wadashaqeyn wanaagsani ka dhaxeyso Ciidamada AMISOM iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya taasina ay u suurto galisay in deegaano farabadan ...

Read More »

Madaxweynaha Kenya oo Khudbadiisa Shirka Addis Ababa diirada ku saaray dagaalka Al-Shabaab

  Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka codsaday hoggaamiyayaasha Afrika in ay bixiyaan maaliyad, maamul, iyo ciidan si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaallama Geeska Afrika. Waxaa uu sidoo kale ka codsaday Madaxda Afrika in ay xoojiyaan taageeradda ay siiyaan ciidamada AMISOM ee ka howlgalla Soomaaliya . Madaxweynaha ayaa amaanay horumarka  dowladiisa iyo sidoo ...

Read More »

Nabad Suggida oo sii daysay Kamaal Guutaale & Sayid Cali

Ciidamada Nabad Suggida Soomaaliya ayaa goor dhaw waxa ay sii daayeen Siyaasiga Kamaal Guutaale iyo Sayid Cali Macalin Cabdulle oo labadaba ka wada tirsan Xisbiga Wadajir ee Magaalada Muqdisho. Labadan Shaqsi ayaa laga xiray Hotelka Maka Al-Mukarama oo ay ku sugnaayeen, kadib markii ciidamada ammaanka ay galeen oo ay kala baxeen Hotelkaasi. C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa xaqiijiyay in ciidamada NISA ...

Read More »

SAWIRRO: Eng, Yariisow oo xilka wareejiyay

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa maanta xilka ku wareejiyay Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis oo ah Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta kadib munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta. Munaasabadda xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb galay  Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimeyaasha Waaxyaha ee Wasaaradda, Fanaanadda Qaran Hibo Maxamed Nuur iyo ...

Read More »

Ciidamada Amniga oo goor dhow xiray Kamaal Gutaale iyo Sayidcali

Ciidamada Amniga ayaa goor dhow xiray Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Daahir Gutaale iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Sayidcali Macalin Cabdulle. Labada Mas’uul ayaa laga xiray Hotelka Maka Al-mukarama oo ay ku sugnaayeen, waxaana watay Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida. C/raxmaan C/shakuur ayaa qoraal uu goor dhow soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in Ciidan ka tirsan NISA ay xabsiga dhigeen ...

Read More »

DHAGEYSO;Baraamijka Sahanka Dunida

Dhageystayaasha ku xiran Website-ka  radiocadaado.com waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijkii Sahanka Dunida  Radio Cadaado. Barnaamijka oo dhameystiran waxaa halkaan idin kaga soo jeedin doona:-Xasan Ahmed Mohamed  Farsamada:-Jile Jaamac Jile  soosare Jile Jaamac Jile        

Read More »

Dhageyso:-Madaxweynihii Hore Ee Hir-Shabeelle Oo U Tartamaya Kursi Xildhibaanimo

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ayaa lagu wadaa in Maalinta Berito ah oo ku beegan 28/1/2018 lagu qabto doorashada Kursiga xildhibaanimo ee uu waayay Cabdullaahi Maxamed Cali Sambaloolshe oo ahaa taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya. Kurigaan ayaa taliye Sambaloolshe waxa uu ku waayay kadib markii uu noqday taliyaha ciidanka Nabad-Sugida,waxana la filayaa in uu mar kale u tartamo Xubinta Xildhibaanimo ...

Read More »