Xiisado Dagaal Oo Saakay Ka Taagan Deegaanka Tukaraq

0
106

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in Saakay halkaasi ay ka taagan tahay xiisado dagaal oo u dhaxeeya Ciidamada Maamulka Puntland iyo kuwa Soomaalilnd.

Labada Maamul ayaa wax ay Ciidamo ku soo daad gureynayaa duleedka deegaanka tukaraq oo ay iskuhor fadhiyaan ciidamada labada Maamul,waxaana jira dhaq dhaqaaqyo ay wadaan.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in ay cabsi dareemayaan maadaama labada dhinac ay sameynayaan hub aruursi lagana yaabo in ay wada dagaalamaan.

Xaalada kacsnaan ah ayaa laga dareemayaa Tukaraq,waxana maalma kahor ku dagaalamay Ciidamada labada dhinac kadib markii ciidamada Puntland ay deegaankaas weerar ku qaadeen.

Xalay ayaa Madaxtooyada Puntland e Garoowe waxaa lagu qabtay kulan deg deg ah oo ay yeesheen Saddexda Masuul ee ugu sareeysa Maamulkaas kulankaas oo ay uga hadleen waxa ay ka yeelayaan xaalada deegaanka Tukaraq oo ay hadda Gacanta ku hayaan Ciidamada Soomaaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here