Madaxda Puntland Oo Caawa Kulan Deg Deg Ah Ka Yeeshay Xaalada Deegaanka Tukaraq

0
49

Wararka Caawa aan ka heleyno Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in kulan deg deg ah ay Madaxtooyada Puntland ku leeyihiin Madaxda ugu sareysa Maamulkaas.

Kulankaan ayaa la sheegay in Saddex Masuul ee ugu sareysa Puntland sida Madxweyne Gaas Madaxweyne ku xigeenka C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Axmed Cali Xaashi uu yahay mid ay uga hadlayaan xaalada deegaanka tukaraq ee Gobolka Sool.

Wararka ay Dalsan ay heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in kulanka ay Saxaafada bananka ka joogto balse la filayo in kulanka ay go’aano ka soo saaraan.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in kulanka Warar hordhac ah oo ka soo baxay ay sheegayaan in lag soo saaray in xaalada milateri lagu wajaho Deegaanka tukaraq oo ay dhawaan la wareegeen Ciidamada Soomaaliland.

Kulanka ayaa sidoo kale la sheegay in ay Goobjoog ka ahaayeen Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Puntland gaar ahaan Saraakiishii ka qeyb qaatay dagaalkii deegaanka Tukaraq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here