Weerarkii Kabul oo lasoo Afjaray iyo Khasaaraha ka dhashay

0
55

Inta la xaqiijiyay 2 Askari ayaa ku dhimatay 10 kalena oo ay ku dhaawacmeen Weerar ay kooxo hubeysan ay ku qaadeen Jaamacadda Gaashaandhigga Qaran ee Sarreeye Gaas Fahim Magaalada Kaabul ee Caasimadda dalka Afghanistan.

Afhayeenka Madaxtooyadda Afghanistan ayaa xaqiijiyay in weerarka lasoo Afjaray , islamarkaana la toogtay Afar ka mid ah Kooxihii weerarka soo qaaday, midna gacanta lagu dhigay.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ciidamada Ammaanka ay ka hortageen in ay gudaha Jaamacadda ay galaan Kooxaasi.

Ururka la baxay dowladda Islaamiga ah iyo Taalibaan ayaa sheegtay in ay ka dambeeyeen Weerarkaasi.

Weerrarkan ayaa imanaya maalma un kaddib markii magaaladaasi uu ka dhacay ismiidaamintii ugu dhimashada badneyd ee muddo bilo ah ka dhacda magaalada Kabul markaas oo gaari nooca gurmadka degdega ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu dilay ugu yaraan 100 qof.

Weerrarka Sabtidii loo adeegsaday gaariga nooca lagu fidiyo gurmadka degdega ah ayaa dhacay todobaad ka hor kaddib markii weerrar kale oo lagu qaaday hoteel ku yaal magaalada lagu dilay 22 qof oo u badan ajaanib.

Taalibaan ayaa sheegatay inay ka dambaysay labada weerrarba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here