Kenya oo dadejinaysa Dhismaha derbiga ay ka waddo Xadka Soomaaliya

0
57

Dhismaha darbiga dowladda Kenya ay ka dhisayso Xadka Soomaaliya iyo sidoo kale Kenya ayaa la xoojinaya dhismihiisa sida ay u yaraadaan Weerarada  dagaalyahanada Al-Shabaab  ku qaadaan Gudaha Kenya sidda ay sheegeen Saraakiisha Ammaanka dalka Kenya.

Dowladda Kenya waxa ay sidoo kale sheegtay in ay dhistay qeybo ka mid ah darbiga, islamarkaana ay hoos u dhaceen Weerarada Al-Shabaab.

Maxamuud Saleh oo ka mid ah Saraakiisha gobolka Waqooyi Bari ayaa warbaahinta u sheegay in si deg deg ah loo dhisi doono dhismaha 28 kiiloomitir.

“Argagixisadu waxay sameyaan in ay weeraraan Kenya ka dibna ku ordaan Soomaaliya, laakiin tan iyo markii derbigii la dhisay, shilalka gobolka Waqooyi Bari hoos ayay u dhaceen,” ayuu ku yiri Maxamuud Saalax oo ku sugan halka uu ka socdo dhismaha darbiga.

Mas’uuliyiinta dowladda Kenya sidoo kale waxa ay xuseen in ay dardargelin doonaan Dhismaha derbiga ay ka dhisayaan Xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay weerarada ay la beegsanayaan ciidamada dalka Kenya, gaar ahaan kuwa ka dhaca Gobolka Waqooyi Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here