faah-Faahino ka soo baxayo dagaal u dhaxeeyay Ciidanka Dowladda iyo Alshabab oo ka dhacay Gobolka Baay

0
32

Wararka ka imaanayo Gobolka Baay ee Koonfurta Soomaaliya  ayaa sheegayo in maanta uu halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo dagaalamayaal ka tirsan ururka Alshabab.

Gudoomiyaha Degmada Buurhakaba ee Gobolkaasi Baay Maxamed Ibraahim  Nuur  (One time)oo lahadlay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in dagaalku uu ka dhacay Deegaanka la yiraahdo Lug-habar oo u dhaxeeyo Magaalooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo islamarkaana labada dhinac khasaaro kala duwan uu soo gaaray Ciidamada Dowladda ayuu sheegay in 4 askari oo midkood uu Gaashaanle ahaa ay ka dhinteen halka Alshabab 7 dagaalame ay dagaalkaas uga dhinteen.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dagaalku uu yimid ka dib markii Ciidanka Dowladda Soomaaliya  ay weerar ku qaadeen Alshabab oo wadada gooyay.

Maxamed Ibraahim  Nuur  (One time) Gudoomiyaha degmada Buurhakaba ayaa sidoo kale waxaa uu xaqiijiyay in deegaanka lug-habar oo dagaalku uu ka dhacay Ciidamada Dowladda iyo kuwa koonfurgalbeed Soomaaliya ay gacan ku heyntiisa si buuxdo ula wareegeen oo ay hadda maamulayaan.

Alshabab dhankooda ilaa iyo hada kama hadlin dagaalka ka dhacay Deegaanka lug-habar ee gobolka baay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here