Dhageyso:-Madaxweyne Farmaajo oo Maanta saxiixaya Miisaaniyadda dowladda ee 2018

0
21

Shalay ayaa dhankooda ansixiyeen Xildhibaanada aqalka Sare Miisaaniyada dowladda Soomaaliya ee Sanadka 2018 kadib markii ay horay u ansixyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

Miisaaniyada dowladda ee Sanadkaan ayaa ka duwan sanadkii hore ee 2017,waxana Miisaaniyada dowladda ee Sanadkaan ay tahay 274 Milyan oo Dollar,waxana qeyb ka ah dhismaha iyo horumarinta Xarunta Akadeemiyada Fanka iyo Suugaanta.

Maanta ayaa la filayaa in Madaxweyne Farmaajo uu saxiixo miisaaniyada dowladda ee Sanadka 2018,sidaasina ay ansax ku noqoto.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa 13,kii Bishaan waxa ay ansixiyeen Miisaaniyada dowladda ee Sanadka 2018 halka shalay oo aheyd 31 Bisha December ay ansixiyeen Xildhibaanada Aqalka Sare.

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo shalay hadal ka jeedinayay kulankii lagu ansixiyay Miisaaniyada dowladda ee Sanadka 2018 ayaa xaqiijiyay in Isniinta Maanta oo ku beegan 1/1/2018 uu Madaxweyne Farmaajo saxiixi doono.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here