Monthly Archives: December 2017

Al-Shabaab oo sheegtay masuuliyada Sarkaal lagu dilay Gaalkacyo

Fiidnimadii xalay ayaa waxa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka mudug lagu dilay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntland. Kooxo bustoolado ku hubeysnaa ayaa Sarkaalka oo lagu Magacaabi jiray Qaleey Yuusuf Jiille  waxa ay dileen xili uu sii galayay Hooygiisa kadib markii uu ka yimid Goobtiisa Shaqada isaga oo taliye ka ahaa mid ka mid ah Xerooyinka hubka lagu keydiyo ...

Read More »

Dhageyso:-Madaxweynaha Soomaaliland oo ka hadlay dagaalka ka socda Gobolka Sool

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa dagaalo geystay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo mid hntiyeed wax ay ka dhacayeen degaano ka tirsan Gobolka Sool gaar ahaan deegaanka Qoriloow,waxana dagaalkaas ka hadlay markii ugu horeysay madaxweynaha Cusub ee Soomaaliland. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in wax laga xumaado uu yahay dagaalka labada dhinac ee walaalaha ah ku dhexmaraya Gobolka Sool,isaga ...

Read More »

Maxkamad Maanta dib u fureysa Kiiskii Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur

Maanta oo Arbaco ah ayaa loo balansan yahay in uu Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir uu tago si dib loogu furo kiiskii loo heystay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame. 21,kii Bishaan ayaa Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame waxaa la horgeeyay Maxkamada Gobolka Banaadir balse markii dambe ay fasaxday,waxana barbar socday warqad ay maalin ka hor soo saartay Maxkamada rafaanka gobolka Banaadir ...

Read More »

Dhageyso:-Maamulka Koofur Galbeed oo wadahadal kula jira Saraakiil Shabaab ah

Maalmihii la soo dhaafay Maamulka Koonfur Galbeed waxaa isku dhiibayay Saraakiil ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab kidib wadahadalo dhexmaray masuuliyiinta maamulkaas iyo Saraakiisha Al-Shabaab. Hadaba Maamulka Koonfur Galbeed ayaa xiligaan sheegaya in Saraakiishaas baaritaano lagu sameyn doono isla markaana qorshahoodu uu yahay in cidwalba ay soo dhaweeyaan. Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Gacma ayaa sheegay in marka laga soo tago ...

Read More »

Haweeney Soomaali ah oo markii ugu horeysay ka mid noqotay Baarlamaanka Bariga Afrika

Haweeney Soomaali ah oo markii ugu horeysay ka mid noqotay Baarlamaanka Bariga Afrika Barlamaanka Bariga Afrika ayaa markii ugu horreysay waxaa ka mid noqotay haaweney Soomaali ah oo ka soo jeeda gobolka Soomaalidu degto ee Waqooyi Bari Kenya. Ka hor inta aan xilkan loo dooran, Fadumo Ibrahim waxay ka mid ahayd dadka u dhadhaqaaqa xaquuqul insaanka, waxayna haysay kursiga dumarka ...

Read More »

Dhageyso:-Ciidamada dowladda oo weerar ku ah tuulooyin Shabaab ka joogaan D/Qoryooleey

Taliska Guud ee Booliiska degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo qorsheysan oo ay sheegeen in dhawaan ka sameynayaan tuulooyinka hoostaga degmadaas. Taliyaha saldhiga degmada Qoryooleey Cali Maxamed Aadan ayaa sheegay in qorshahaas ay waqti hore dejiyen isla markaana ay dhawaan howlgalkaas bilaabi doonaan. Waxa uu sheegay in ay diyaar u yihiin in dhammaan tuulooyinka ...

Read More »

Dhageyso:-Saddex ka mid ah Saraakiisha Al-Shabaab oo isku dhiibay Koonfur Galbeed

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo maalmihii la soo dhaafay isku dhiibayay Maamulkaas. Afhyeenka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Nuuradiin Yuusuf Gacma oo ayaa sheegay in ay isku soo dhiibeen ilaa Saddex Sarkaal oo ka kala yimid degmoyinka Diinsoor Bardaale iyo deegaano kale kuwaas oo la keenay Magaalada Baydhabo. Waxa uu sheegay ...

Read More »

Sawirro:-Wararkii u dambeeyay ee dagaalkii ka dhacay Deegaanka Qorilow ee Gobolka Sool

Xaalada deganaansho ah ayaa Caawa laga dareemayaa deeganka Qoriley ee gobolka Sool halkaas oo Saacadihii la soo dhaafay ay ku wada dagaalameen laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega. Caawa ayaa dadka deegaanka qaarkood oo aan la hadalnay waxa ay sheegeen in iminka uusan socon wax dagaal ah balse ay weli cabsi dareemayaan maadaama ay ishor-fadhiyaan labadii maleeshiyo beeleed ee ...

Read More »

Dhageyso:-Turkiga oo mashaariic ka fulinaya Magaalada Cadaado

Wafdi ka socda  Dowladda Turkiga ayaa gaaray Magaalada Cadaado ee Xarunta ku meel gaarka ah  Maamulka Galmudug,waxaana kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug. Ujeedka Wafdiga ka socda Turkiga gaar ahaan Safaaradooda Soomaaliya ayaa lagu sheegay iney tahay hirgelinta Mashaariic horumarineed oo kala duwan sida qodista Ceel-biyoodyo iyo Waxbarasho oo shacabka si aad ah ugu baahan yihiin. Mas’uuliyiintaan gaaray Magaalada ...

Read More »