Monthly Archives: December 2017

Dhageyso:-Madaxweyne Xaaf oo dalbaday in la soo celiyo Diyaaradii Soomaali Airline

Iyadoo uu soconaya dadaal Dowladda Soomaaliya ay ku doonayso dib u soo celinta hantidii ka maqnayd dalka,iyo dib u dhiska kaabayaashii dhaqaalaha,Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) wuxuu ka hadlay muhiimada ay Soomaaliya u leedahay in dib loo soo celiyo adeegii duulimaadka ee Shirkadii Soomaali Arilines. Hadalo kooban oo uu ka jeediyay xafladii lagu daah furayay xarunta maamulka ...

Read More »

Guddoomiye Jawaari oo Maanta soo xiraya shirka Golayaasha sharci dejinta dalka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta magalada Baydhabo ku soo xiraya Shirka Guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya iyo kuwa Dowladda Goboleedyadda. Shirkan oo maalintii talaadada ahayd taarkiihdana ku beegneyd 26-Decenber 2017-ka furmay Magaaladda Baydhabo ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Guddoomiyaha Golaha shacabka ee JFS Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa furitaanka shirka ka ...

Read More »

13 ka mid ah Dagaalyahanada Shabaab oo lagu dilay Koonfurta Soomaaliya

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ciidamada Mareynkanka ee Africa (Africom),  ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareynkanka oo kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya duqeyn diyaaradeed ay ka fuliyeen subaxnimadii 24-kii December 2017-ka koonfurta Soomaaliya laguna dilay 13-dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab. Sidoo kale,Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareynkanka ay sii wadi doonaan taageerada Soomaaliya,meeshana laga saaro Al-Shabaab. Mareynkanka ayaa sheegay ...

Read More »

Dhageyso:-Xaalada dhaawacyada qarixii Zoobe ee loo qaaday Kenya

Weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay Zoobe 14,kii Octooper ayaa ahaa mid walaac badan ku abuuray Ummadda Soomaaliyeed,waxaana jiray dowladdo farabadan oo gurmad Caafimaad u soo fidiyay dadka Soomaaliyeed. Dalka Kenya ayaa ka mid ah meelaha dadkaasi la geeyay si loogu daweeyo,waxaana haatan la sheegayaa in qaarkood xaaladooda ay soo hagaageyso,isla markaana ay rajeynayaan in dalka Soomaaliya ay dib ...

Read More »

Nabadoon Xalay Gurigiisa lagu dhex dilay degmada Walaweyn

Wararka naga soo gaaraya degmada Walaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xalay saqdhii dhexe halkaasi lagu dilay Nabadoon Caanka ahaa degmadaas. Dadka ku nool degmada Walaweyn ayaa waxa ay sheegen in Ciidamo watay Gawaarida dagaalka ay Nabadoonka Gurigiisa ugu tageen isla markaana ay halkaasi ku toogteen Nabadoonka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Maxamed Cabdi ...

Read More »

Dhageyso:-Maamulka Hir-Shabeelle oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Hadalkaas waxaa sheegay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare kaas oo sheegay in howlgalka lagula dagaalamayo Al-Shabaab ay siwadjir ah u fulin doonaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo wada jira. Waxa uu sheegay Madaxweyne Waare in qorshuhu yahay in Al-Shabaab laga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin degmooyinka uu ka kooban yahay Maamulka Hir-Shabeelle si loo furo wadooyinka ...

Read More »

Dowladda Soomaaliya oo maanta la wareegeysa Maamulka Hawada

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhameystirtay dhismaha iyo qalabeynta xarunta Maamulka Hawada Soomaaliya,waxaana la filayaa in maanta  ay si rasmi ah u furto xaruntan. Hay’adda maamulka Hawada Soomaaliya ayaa ka shaqo geli doonta Muqdisho 27 Sano kadib markii intii uu socday dagaalka sokeeye laga maamulaayay dalka Kenya islamarkaana ay gacanta ku haysay Hay’adda maamusha Hawada ee Qaramada midoobey ee ICAO. Wasiirka ...

Read More »

Golaha Wasiirada Cusub ee Hir-Shabeelle oo goordhow la ansixiyay

Mudanayaasha Baarlamaanka dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa Maanta kulan aan caadi aheyn waxa ay ku yeesheen Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulkaas waxaana la horgeeyay Golaha Wasiirada cusub ee hir-Shabeelle. Kulanka ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa 79 xildhibaan,intaasi kadib waxaa la guda galay cod u qaadista sidii loo ansixin lahaa Golaha Wasiirada 77 ayaa ogolaatay ansixinta halka laba ay ku aamustay. Gudoonka ...

Read More »

Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka oo la kulmaya Bulshada Kismaayo

  Masuuliyiinta Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa la maanta kulmaya qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magaalada Kismaayo iyagoona weydiinaya sida dalka ay kaga dhici karo Doorasho qof iyo cod 2020 iyo sida ugu fudud ee loo suurta galin karo. Kulamadan ayaa ujeedadooda tahay wacyigelin iyo in dadka la baro hanaanka loo mari doono Doorashada qof iyo ...

Read More »